Puntland: Guddi xalin khilaafaad oo la magacaabay

Image

GAROWE, Puntland - Guddiga ku meelgaarka ah ee doorashooyinka Puntland oo loo garan-og-yahay TPEC ayaa Isniinta maanta ah waxay magacaabeen guddi xalin khilaafaadka iyo cabashooyinka.

Sidda ku xusan qoraal kasoo baxay fadhi ay yeesheen xubnaha sarre ee guddiga, waajibaadka guddiga xalinta khilaafkaadka waa doorashooyinka goleyaasha degaanka ee soo aadan.

"Guddigan oo sagaal xubnood ka kooban afar xubnood waxay ka imaanayaa guddiga sarre ee TPEC, 5-ta xubnood kalana waxay ka imaanayaan qeybaha bulshada," ayaa lagu yiri qoraalka.

Si guud, sagaalka xubnood ee guddigana kamidka ah, sidda ku cad bayaanka, waxaa dumar ka ah laba kaliya kuwaas oo kala ah; Xafso Salaad Maxamed iyo Sareedo Maxamed Xasan Jayte.

Doorashooyinka goleyaasha degaanka Puntland oo qorshuhu yahay in ay ku qabsoomaan hanaanka qof iyo cod waxaa kawada qeybgalaya 10 urur siyaasadeed oo shuruudaha soo buuxiyey.

Ururadaas ayaa durba waxay bilaabeen olole xooggan oo ay ku doonayaan in ay ku hantaan goleyaasha degaanka degmooyinka, iyadda oo ay xigi doonto doorashadda baarlamaanka oo aad u adag.

Kadib 23-sano oo ay ku dhaqmeysay nidaamka awood qeybsiga beelaha 4.5, dowladda Puntland ayaa u muuqata mid qarka u saaran in ay soo gabagabeyso habkaas curyaamiyey horumarka dowladnimo.

Hoos ka akhriso qoraalka guddiga

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM