​Puntland: Guddiga doorashooyinka oo ka dooday xeerar

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE- Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland, ayaa ka dooday qodobo kamid ah Xeerarka doorashooyinka Puntland, gaar ahaan kuwa ururrada siyaasadeeda iyo Golayaasha deegaanka Puntland, kuwaasi oo ay qoreen guddigii hire doorashooyinka ee xukuumaddi Cabdiraxmaan Farole.

Kulanka maanta oo shir guddoominayay guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Puntland, Axmed Maxamed Cali (Kismayo), ayaa lagu lafo guray qaar kamid ah xeerarka, waxaana mid mid loo dul istaagay qodobada oo qayb kamid ah loo qaatay sidii loo qoray kuwana wax kabadal lagu sameeyay.

Guddiga ayaa soo afmeeray dib u eegista xeerka ururrada siyaasadeeda, halka maalinta barri ah lasoo gaba  gabayn doono akhriska iyo wax kabadalka xeerka doorashooyinka golayaasha deegaanka Puntland.

Guddoomiyaha T-PEC, Axmed Maxamed Cali, ayaa sharaxay waxyaabaha guddigu ka arrinsanayo, wuxuuna sheegay tan iyo markii Barlamanku ansixiyeen inay bilaabeen howlahoodii caadiga ahaaa islamarkaana dib u fiirin ku sameeyeen shuruucii horay loo quray, isagoo intaasi raaciyay inay hadda gacanta ku hayaan labada xeer ee kala ah; Xeerka ururrada siyaasadda iyo xeerka doorashooyinka golayaasha deeganka Puntland.

Axmed Kismayo, wuxuu xusay in ka doodista xeerarkan ka dib, dib u qori doonaan islamarkaana ku siyaadin doonaan waxyaabaha lagu soo kordhiyay, kana saari doonan qodobada laga reebay, isagoo xusay inay u gudbin doonaan marka howshoodu dhammaato Barlamanka Puntland si ay u meelmariyaan.

Arrintan, ayaa kusoo aadaysa xilli howlo badan horyaallaan guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland, kuwaasi oo looga fadhiyo inay dalka gaarsiiyaan nidaamka dimuqraadiyaynta oo la filayo in lagu saleeyo doorashada madaxtinimo ee Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo qabtay Ajaaniib sameynayay Kalluumaysi Sharci-darro ah 

Safaaradda Yemen ee magaaladda Muqdisho iyo hay’adaha kale ee Soomaaliyeed ayaa lagu wargeliyay arintan.

  • Puntland

    26-05-2025

  • 08:01AM

Deni: Xisbiga Xasan Sheekh wuxuu khatar Ku yahay Nidaamka Federaalka iyo Jiritaanka Jubaland

Xasan Sheekh ayaa lagu eedeeyay inuu wado qorshe doorasho uu maamulkeeda kaligiis leeyahay, natiijadeedana uu sii ogyahay.

  • Puntland

    14-05-2025

  • 12:11PM