​Puntland: Guddiga khilaafaadka oo joojiyay Ergooyin loo yeeray

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka ee heer Puntland, ayaa maanta soo saaray amar ay ku joojinayaan qoraal shalay kasoo baxay guddiga doorashooyinka dadban ee Puntland, kuwaasoo u yeeray Ergooyinka dooranaya 12 kamid ah Xildhibaanada ka imaanaya qabaa'ilka daga deegaanada Puntland.

Guddigan oo horkacayo Xaaji Abuukar Cusmaan Cabdi islamarkaana xubno ka ahaayeen; Maxamed Faarax Ciise Gaashaan iyo Xaawo Cali Jaamac, ayaa gabi ahaanba ka horyimid in la xareeyo, la diiwaangaliyo, kaararna la siiyo Ergooyinka ilaa dhankooda laga helayo Jawaab.

Xubnaha ayaa joojiyay Ergooyinka matalaya beelaha kala ah;

  1. Warsangali
  2. Dishiishe
  3. Cali Saleebaan
  4. Madhibaan
  5. iyo Ciise Maxamuud.

Sababta loo hakiyay ayay ku sheegeen inay jiraan khilaafaad ka dhex jiray beelahaas oo u baahan in la xalliyo.

"Waxaanu aragnay liiska beelaha aad eergooyinkooda soo xaraynaysaan si ay u doortaan xildhibaanaddii Puntland ugu gariisan lahaa 12kii kursi ee ugu horreeyay kuraasta Aqalka hoose ee barlamaanka Federaalka,” Ayuu yiri Maxamed Faarax Ciise Gaashaan oo warbaahinta u akhriyay go'aan kasoo baxay guddiga khilaafaadka.

Tallaabadan ayaa timid iyadoo shalay Guddiga doorashooyinka heer Puntland, ka dhawaajiyeen inay bilaabeen diiwaangalinta murashaxiinta Aqalka hoose ee kuraasta loo yeeray, waxayna sidoo kale dalbadeen inay is-diiwaangaliyaan Ergooyinka si maalmaha soo socda loo helo 12 Xildhibaan.

Lama oga sida xaalku noqon doono, balse waxay kusoo beegmaysa iyadoo walaac laga qabay inuu dib u dhac kale ku yimaado doorashada Somalia ee la filayo inay qabsoonto dabayaaqada bisha soo socota, waxaana beesha Caalamka qoraal kasoo baxay lagu sheegay inay dhanka maamul goboleedyada ka jiro gaabisku.

GAROWEONLINE

Related Articles

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM