Puntland: Guddoomiyihii gobolka Nugal oo xilka laga qaaday

Image

GAROWE, Puntland- Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa goordhaweyd xilkii looga qaaday Guddoomiyihii gobolka Nugal Cumar Cabdullaahi Faraweyne.

Lama oga sababta xilka qaadista loogu sameeyay mas'uulkan oo kamid ahaa shakhsiyaadka aadka ugu dhow Madaxweynaha waqtigu kasii dhammaanayo.

Madaxweynaha Puntland ayaa xilkaas u magacaabay Cabdisalaam Xuseen Xirsi (Gujir).

Gujir ayaa xilligii xukuumaddi AU Madaxweyne Cadde Muuse wuxuu soo noqday Duqa Caasimadda Garowe.

Gaas ayaa sidoo kale tallaabadan sameeyay xilli uu ku suganyahay magaalada Boosaaso oo uu ku joogo safar olole.

Shalay ayay ahayd markii uu is-casilay wasiirkii Wasaaradda Deegaanka Cali Cabdullaahi Warsame, kaasoo sheegay in Madaxweyne Gaas shaqadii Wasaaradda uu gacanta u galiyay hay'adda PASSAWEYN oo aad ugu dhow Madaxtooyada.

Hoos ka Akhriso Wareegtada Xil-ka qaadista

Madaxweynaha Dowaldda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 24 Sep 2018 magcaabay Guddoomiyaha Gobola Nugaal.

Xeer Madaxweyne Lr.132 Sep 22, 2018, kuna saabsan magacaabid Guddoomiyaha Gobolka Nugaal.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu Arkay:                        Dastuurka Dowladda Puntland

Markuu arkay:                         Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo aragnimadiisa shaqo

Markuu la Tashaday:               Madxaweyne ku xigeenka Dowladda Puntland

Wuxuu Xeeriyey:

1.Waxaa Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gujir) loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal

2.Xeerkani waxa uu dhaqan gelayaa markuu madaxweynuhu Saxiixo wuuna saxiixay madaxweynuhu.

-DHAMMAAD-

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM