​Puntland: Guddoomiyihii gobolka Sool oo shil-gaari ku geeriyooday

Image

GAROWE, Puntland- Guddoomiyihii gobolka Sool ee dhinaca Puntland, Mukhtar Mahad Cawad ayaa maanta ku geeriyooday inta u dhaxaysa magaalada Garowe iyo degmada Laas-caano.

Mas'uulkan ayaa dhintay kadib markii uu qalib-may gaari Land-cruiser-ah oo ay la socdeen isaga iyo labo kamid ah ilaaladiisa.

Shilkaas waxaa sidoo kale ku geeriyooday mid kamid ah is-taafkiisa halka kan kale dhaawac culus soo gaaray.

Lama oga waxaa shilkaas keenay, balse Guddoomiyaha ayaa kayimid dhinaca degmada Tukaraq ee gobolka Sool.

Shilka ayaa ka dhacay Nawaaxiga deegaanka Bixin oo kaabiga ku haya caasumadda Puntland.

Maydka iyo dhaawaca Gaddoonka gaarigaas uu sababay ayaa la keenay magaalada Garowe caasumadda Puntland.

Waxaa la filayaa in lagu aaso xarunta maamulka Puntland, halka ruuxa dhaawaca ah lagu dabiibayo Cusbitalka.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhinaca dowladda Puntland.

Guddoomiyaha dhintay ayaa muddooyinkii dambe ku mashquulsanaa arrimo ay kamid tahay gurmad loo samaynayay dadka abaaruhu saameeyeen ee ku sugan gobolka Sool.

Wuxuu ahaa nin dhalinyaro ah oo aad u shaqo badan sida ay GO u sheegeen qaar kamid ah asxaabtiisa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM