​Puntland: Guddoomiyihii gobolka Sool oo shil-gaari ku geeriyooday

Image

GAROWE, Puntland- Guddoomiyihii gobolka Sool ee dhinaca Puntland, Mukhtar Mahad Cawad ayaa maanta ku geeriyooday inta u dhaxaysa magaalada Garowe iyo degmada Laas-caano.

Mas'uulkan ayaa dhintay kadib markii uu qalib-may gaari Land-cruiser-ah oo ay la socdeen isaga iyo labo kamid ah ilaaladiisa.

Shilkaas waxaa sidoo kale ku geeriyooday mid kamid ah is-taafkiisa halka kan kale dhaawac culus soo gaaray.

Lama oga waxaa shilkaas keenay, balse Guddoomiyaha ayaa kayimid dhinaca degmada Tukaraq ee gobolka Sool.

Shilka ayaa ka dhacay Nawaaxiga deegaanka Bixin oo kaabiga ku haya caasumadda Puntland.

Maydka iyo dhaawaca Gaddoonka gaarigaas uu sababay ayaa la keenay magaalada Garowe caasumadda Puntland.

Waxaa la filayaa in lagu aaso xarunta maamulka Puntland, halka ruuxa dhaawaca ah lagu dabiibayo Cusbitalka.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhinaca dowladda Puntland.

Guddoomiyaha dhintay ayaa muddooyinkii dambe ku mashquulsanaa arrimo ay kamid tahay gurmad loo samaynayay dadka abaaruhu saameeyeen ee ku sugan gobolka Sool.

Wuxuu ahaa nin dhalinyaro ah oo aad u shaqo badan sida ay GO u sheegeen qaar kamid ah asxaabtiisa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM