Puntland: Gudoomiyaha Nugaal oo eedeeyay Xukuumadda Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiyaha gobolka Nugaal ee Puntland, Cabdisalaan Xirsi Xasan Gujir, oo warbaahinta kula hadlay caasimada dowlad goboleedkaan ayaa eedeeymo kala duwan wuxuu ujeediyay xukuumada Xasan Cali Khayre.

Guji ayaa si adag ugu dhaleeceeyay Ra’iisul Wasaaraha dalka inuu faragelin toos ah uu ku hayo siyaasada arrimaha gudaha maamulkaan, isaga oo xusay inuu soo dirayo Xilldhibaano iyo wasiiro Federaalka ku metala Puntland.

“Maalin kasta diyaaradbey soo raacayaan. Kama shaqeeyaa danta reer Nugaal ama Puntland. Waxaan leeyahay wax kasta maamulka hakala soo xiriireen,” ayuu yiri Gudoomiye Guji, oo war-fidiyeenka uwaramaya. 

Geesta kale, Gudoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas ku daray in Wasiirka koowaad ee Federaalka uu ku guuldareystay inuu oofiyo balamo uu ka qaaday dhalinyaradda Puntland, gaar ahaan kuwa magaalo madaxda ku dhaqan.

“Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu balanqaad u sameeyay bahda isboortiga markii uu yimid 1-da bishii Agoosto, wuxuuna yiri roog baan udhigayaa, wali ma uusan fulin. Waxaana ka codsanayaa RW inuu ufuliyo balankii uu ka qaaday reer Nugaal,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Dhaliilaha ka yimid Gudoomiyaha gobolka Nugaal ee maamulka Puntland oo bishii hore uu Gaas magacaabay xili dhowaan uu Madaxwaynaha uu muda xileedkiisu dhamaaday uu si kulul u eedeeyay dowladda dhexe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM