Puntland: Hanjabaad loo diray guryaha lagu qariyo khamriga

Image
Deni ayaa xaqiijiyey in khamriga ay cabaan kana ganacsadaan isla markaana ay kala gudbiyaan hay'addaha ammaanka.

GAROWE, Puntland - Xeer-ilaaliyaha guud ee Puntland, Maxamuud Xasan Aw-Cismaan, ayaa goobjoog ka noqday goob fagaare ah oo booliska Puntland gaar ahaan taliska qaybta gobalka Nugaal ay ku gubeen 850 dhalo oo khamri ah iyo 26 duub oo xashiish ah.

Puntland gaar ahaana caasimada Garowe ayaa la daalaa-dhacaysa saamaynta waxyaabaha maanka-dooriyaha gaar ahaan khamriga iyo xashiiska oo mudooyinka dambe si xawli ah ugu soo batay Puntland sida uu dhawaan sheegay madaxweyne Deni.

Siciid Cabdulaahi Deni ayaa xaqiijiyey in khamriga ay cabaan kana ganacsadaan isla markaana ay kala gudbiyaan hay'addaha ammaanka laftigoodu, isaga oo dhanka kale xusay in xitaa geelii iyo xoolihii loo geeyay .

Taliyaha booliska qaybta gobalka Nugaal, Xuseen Cali Maxamuud ayaa tibaaxay in ay uga digayaan waalidiinta in ay la socdaan caruurtooda iyo gaadiidkooda hadii aysan ka war-hayna lagu qaadi doono waxyaabahan oo kale.

Guryaha lagu keydiyo ama lagu qariyo khamriga ayuu taliyuhu caddeeyay in ay ku darayaan eeda, sida ay fartay xeer ilaalinta Puntland isla markaana lala wareegi doono guryahaas .

Magaalada Garowe ee caasimada dowlada Puntland ayaa mudooyinkaan danbe waxaa kusoo batay dhacdooyinka la xiriira maan-dooriyaha iyada oo laga maqlo xiliyada habeenkii rasaas ay is waydaarsadaan booliska iyo kooxaha ka ganacsada maan-dooriyaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gollaha Wakiillada Puntland oo Xubinimo ka qaaday Cabdirashiid Yuusuf Jibriil

Cabdirashid, oo dhowaan dib ugu soo noqday Puntland, ayaa lagu eedeeyey inuu khatar geliyey amniga guud ee Puntland.

  • Puntland

    15-07-2025

  • 12:42PM

Duqeyn Cirka oo Mareykanku Ka Fuliyay Puntland

Wuxuu ballan qaaday in Mareykanku sii wadi doono taageerada uu siiyo ciidamada Soomaaliya si ay u gaaraan xasillooni buuxda.

  • Puntland

    08-07-2025

  • 12:35PM