Puntland: Hogaan cusub oo loo magacaabay hay'adda jidadka

Image
Cabdifitaax ayaa ah xoghayaha Guud ee urur-siyaasadeedka mucaaridka ah ee Mustaqbal.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne  Siciid Cabdullaahi Deni ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 47 ee November 29, 2021 kuna Saabsan Magacaabid Guddoomiyaha Hay’adda Waddooyinka ee Dowladda Puntland.

Sida ku xusan wareegtadda oo lagu daabacay ciwaanka madaxtooyada ee Facebook-ga, waxaa Cabdifataax Maxamed Sugulle loo magacaabay Guddoomiyaha Hay’adda Wadooyinka Dowladda Puntland.

HOOS KA AKHRISO WAREEGTADDA

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 47 ee November 29, 2021 kuna Saabsan Magacaabid Guddoomiyaha Hay’adda Waddooyinka ee Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: baahida loo qabo horumarinta Hay’adda Waddooyinka Dowladda Puntland.

Markuu Tixgeliyey: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa Shaqo.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Cabdifataax Maxamed Sugulle loo magacaabay Guddoomiyaha Hay’adda Wadooyinka Dowladda Puntland.

2. Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna Saxiixay.

DHAMMAAD


Cabdifitaax ayaa ah xoghayaha Guud ee urur-siyaasadeedka mucaaridka ah ee Mustaqbal. Ururkan wuxuu kamid yahay darafyadda siyaasadda ee natiijooyinka wanaagsan kasoo hooyey doorashooyinkii dhowaan qabsoomay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM