​Puntland: Howlgal lagusoo qabtay 15 qof oo ka dhacay Galkacyo

Image
Image
Image

GALKACYO, Puntland- Ciidamada ammaanka gobolka Mudug ayaa maanta howlga xooggan ka sameeyay xaafadaha magaalada, waxaana lagusoo qabtay 15 ruux sida uu cadeeyay guddoomiyaha degmada Galkacyo.

Howlgalka waxaa sameeyay ciidamada PSFta, waxaana lagu bartilmaameedsanahay shakhsiyaadka masoomayaasha ah iyo waliba ku cuntada u kariya xilli dadku Soomanyihiin.

Gudoomiyaha degmada Gaalkacyo Maxamud Yaasiin Tumey ayaa bartiisa facebookga soo dhigay natiijada howlgalkaan oo si gaar ah looga guliyay xaafadaha magaalada iyadoo diirada la saarayo ma soomayaasha.

Dadka lasoo qabtay oo ayaa loo gudbiyay xabsiga dhexe ee magaalada Galkacyo.

Dadkan ay ciidamadu qabteen ayaa dhamaan ahaa dhalinyaro waxaana ciidamada ku weheliyey socdaalka lagu soo qabtay shakhsiyaadkaas duqa degmada Gaalkacyo.

Qabashada dhalinyaradan ayaa kusoo aadaysa xili ciidamaa ammaanka ay magaalada Gaalkacyo  ka wadeen hawlgalo lagu bartilamaansanayo dhalinyarada habeenkii mobileda furata iyo shaqsiyaad looga shakiyo inay maleegayaan falal amni darro.

Tallaabadan ayaa kusoo aaday xilli dhawaan lasoo saaray amarro ku saabsan inaan la arki karin goobo lagu kariyo xaaraanta Bisha Ramadaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM