Puntland: Ilaalinta baddeena waa waajib lama taabtaan ah

Image
Image
Karaash ayaa Khamiista maanta ah wuxuu guddoomiyey shirka todobaadlaha ah ee golaha wasiirada.

GAROWE, Puntland - Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda, Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada.

Kulankan ayaa todobaadkan looga hadlay Amniga, daah-furka hannaanka isku-dhafka ah ee korjoogteynta iyo dabagalka shaqooyinka Dowliga ah iyo mashaariicda, dardargelinta Qaadashada tallaalka COVID-19,  arimaha Gobollada iyo Degmooyinka Puntland iyo xaaladda dadkii laga soo barakaciyay Laascaanood.

Dhanka kale, Karaash ayaa todobaadkan wuxuu si weyn u soo dhaweeyay xukunka ay maxkamada cadaaladda aduunka kasoo saartey gal-dacwadeedka badda Soomaaliya iyo Kenya.

“Waxaan Rabbi mahadiis ah go’aanka taariikhiga ah ee guusha u wada ah dhammaan ummada Soomaaliyeed, anoo ku hadlaya magacayga, kan Dowladda iyo kan Shacabka Puntland waxaan boggaadinaya go’aanka ka soo baxay Maxkamadda Adduunka ee ICJ," ayuu yiri.

Wuxuu ku daray: "Badda, Berriga iyo Hawada Soomaaliya illaalinteeda iyo sugiddeedu waa waajib lama taabtaan ah oo ay tahay inay wada illaashadaan Soomaali oo idil, ka Puntland ahaanna markasta waa aragti aan u taaganahay".

"Waa dharaar farxadeed maalinta xuska Calankeenna iyo go’aanka muddada soo socday ee ka soo baxay ICJ waa dhacdo masiireed oo aan la hilmaami doonin," ayuu kusoo gabagabeeyay.

Maxkamadda ICJ ayaa sheegtay in Soomaaliya ay xaq u leedahay in ay difaacato badeeda. Kenya ayay ku eedeysay in ay ka been abuuratay lahaanshiyaha sheegashadda biyaha ay ku doodey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM