​Puntland: Imtixaan fashilmay oo lagu celinayo

Image

GAROWE- Baraha bulshada ayaa aad loogu faafiyay sawirro muujinaya qaar kamid ah maadooyinka imtixaanka fasalka 8-aad ee dugsiga dhexe kaasoo shalay ka furmay deegaanada Puntland.

Imtixaankan, ayaa faafay kadib markii deegaanka Qarxis gobolka Nugal lagu jabsaday qolka lagu kaydiyay madooyinka ardayda lagu imtixaamayay, sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil katirsan wasaaradda waxbarashada Puntland oo sheegay in 72-saac ee lasoo dhaafay sameeyeen baaritaan xooggan.

Qolka Imtixaanka ayaa la jabsaday kadib markii muraaqabkii ama qofkii wasaaraddu u dhiibtay uu salaad aaday.

Tallaabadaasi, ayaa keentay in dib loogu celiyo imtixaanka Ardayda dhigata fasalka 8-aad.

Agaasimaha imtixaanaaadka wasaaradda waxbarashada Puntland Axmed Saahid, ayaa sheegay in arrintaasi aad uga xunyihiin isagoo xusay inay ahayd qorshe aan lagu tala galin, wuxuuna ku tilmaamay dhacdo ay kala simanyihiin dhammaan caalamka, isagoo tusaalooyin u soo qaatay dalalka, Kenya, Rwenada Uganda, Masar, Malaysia, Nigeria. Ghana, Chile iyo Brazil.

Dhinaca kale Agaasimaha wasaaradda waxbarashada Puntland oo goordhaweyd shir jaraa'id warbaahinta ugu qabtay magalada Garowe, ayaa tilmaamay inay ku celin doonaan imtixaankii baxay, isalamarkaana ay ka xunyihiin fashilaadda ku yimi.

Arrintan, ayaa timi xilli shalay la daah furay imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland, waxaana sannadkan u fariisanayay in kabadan 11-kun oo arday.

GAROWEONLINE

Related Articles

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM