Puntland: Isimada gobolka Nugaal oo go'aan ka gaarey xiisada Qarxis

Image

Wararka warsidaha Garowe Online ka helayo ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Suldaan Siciid Maxamad Garaase iyo Islaan Ciise Islaan Maxamad kulan ay maalintii shaley ka qaateen xiisada Qarxis go'aan mideysan ka gaareen xal ka gaaristeeda.

Xiisada Qarxis oo ay isku horfadhyaan ciidamo ka tirsan dowlada Puntland iyo ciidamo uu hogaaminayo taliye ku-xigeenkii hore ee Booliska Muxayadiin Axmad Aw-Muse ayaa waxaa asbuucyadii lasoo dhaafey booqasho halkaas ku tagey odayaal uu hogaaminayo Suldaan Garaase.

Kulan odayaasha gobolka Nugaal horey ugu yeesheen tuulada Qarxis ayaa waxay guddi u soo direen madaxweynaha Puntland kuwasoo wararku xusayaan iney kasoo afti qaadeen taliye ku-xigeenkii hore ee Booliska Muxayadiin Axmad Aw-Muse balse uu ku gacan sayrey Cabdiweli Cali Gaas.Madaxweynaha Puntland ayaa kulankaas sheegey ineuusan gabi ahaanba wax waan waan ah uusan ka galeyn xal u helida khilaafka Qarxis.

Odayaashaan oo dib ugu soo noqdey tuulada Qarxis ayaa kulamo ay qaateen waxay xalinta khilaafkaan ku wareejiyeen Suldaan Siciid Maxamad Garaase kuwasoo go'aamadooda qoraal ahaan ugu gudbiyey Issimada gobolka Nugaal.

Xogaha laga helayo kulanka labada Issim ee maalintii shaley 10 July,2015 ayaa sheegaya iney gudoonsheen go'aanka gudigaan oo ahaa in xal nabadeed lagu dhameeyo khilaafka taagan islamarkaana madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas u gudbiyaan qaabka loo marayo xalinta khilaafkaan.

Garowe Online ayey u suurtaglin inuu helo go'aamada guddigaan u gudbiyeen Issimada Nugaal balse warar ayaa sheegaya ineysan ka fogeyn in xal waara laga gaara khilaafka taagan.

Dhinaca kale waxaa magaalada Garowe soo gaarey maanta wafti uu hogaaminayo madaxweynaha maamulka Jubaland Axmad Madoobe iyada oo wararku sheegayaan in ajandayasha kulanka labada madaxweyne ku jirto sidii loo xalin lahaa khilaafka ka tagaan tuulada Qarxis.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas ayaa tan iyo markii uu xilka qabtey ku mashquuley khilaafyo ka abuurmey xilal laga qaadayo saraakiil ciidan iyo shaqaalaha rayidka kuwasoo ragaadiyey hurumarkii laga gaari lahaa arrimaha amniga, dhaqalaha, Federalka iyo dhameystirka mashriicdii hore iyo sidoo kale hirgalinta mashaariic cusub.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo martigelisay shirka la qeybsiga saameynta isbedelka cimilada

Kulankan ayaa qeyb ka ah mashruuca ay iska kaashanayaan Wasaaradda Deegaanka Soomaaliya iyo Hay’adda UNCDF.

  • Puntland

    08-05-2024

  • 09:32AM

Puntland oo qabatay Maraakiib waday kalluumeysi sharci darro ah

Doonyo, laashash iyo shaqaalahoodii ayaa kamid ah waxyaabaha kale ee gacanta lagu soo dhigay.

  • Puntland

    08-05-2024

  • 08:06AM