Puntland iyo AFRICOM oo kawada hadlay wada shaqeyn ay yeeshaan

Image
Image
Image

BOOSAASO, Puntland - Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta qaabilay Taliyaha Guud ee Ciidanka Maraykanka Africom Stephen J.Townsend iyo wafdi uu hoggoominayo oo booqdey magaalada Boosaaso.

Madaxtooyadda Puntland ayaa baahisay in Deni iyo Jeneraal Townsend ay ka wada hadleen Amaanka Guud iyo la Dagaalanka Argagixisada, iyo wada shaqaynyta Taliska Africom iyo Dowladda Puntland.

Washington ayaa kamid ah xulafada caalamiga ah ee  Soomaaliya gaar ahaan Puntland ka caawiya la dirirka iyo ciribtirka xoogaga argagixisadda ah ee Al-Shabaab iyo Daacishta Soomaaliya.

Al-Shabaab iyo Daacish ayaa ku dhuumaaleysta buuraleyda Golis, halkaasoo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ay duqeymo xoogan kula beegsadaan xiliyadda qaarkood.

Deni ayaa dhowr jeer ku celceliyey in ay ka go'an tahay sidii xididaha loogu siibi lahaa kooxahaas oo khatar ku ah horumarka, nolosha iyo maalgashi balaaran oo Puntland ka hesho dunida dacaladeeda.

Shirka Maalgashiga Puntland ee sanadkii hore ku qabsoomay magaaladda Garowe ayaa war-murtiyeedkii kasoo baxay waxaa lagu shaaciyey in Bangdhiga Carwo Ganacsi lagu qaban doono xarunta gobolka Bari, 2020.

Mareykanka ayaa tababar gaar ah wuxuu siiyaa Ciidamadda Sidda Gaarka ah u tababaran ee Puntland, kuwaasoo gobolada ka fuliya howlgaladda la dagaalanka argagixisadda oo bilooyinkii lasoo dhaafay sarre loo qaadey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM