Puntland iyo Baanka Aduunka oo isku gartey qodobo muhiim ah

Image
Image
Kulankan ayaa maanta wuxuu ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Garowe.

GAROWE, Puntland - Wasiir Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, ayaa xafiiskiisa kula kulmay Masuuliyiin ka socday Banka Adduunka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay wasaaradda.

Wafdiga ayaa si gaar ah uga socdey Barnaamijka RCF kaasoo khuseeya horumarinta dowladnimadda iyo daadejinta barnaamijka dowlad wanaaga oo Puntland ay si weyn caan ugu tahay.

Wasiirka iyo Masuuliyiinta ayaa ka wada hadlay sidii Banka Adduunku gacan uga geysan lahaa barnaamijyada dowlad wanaagga iyo Dimuqraadiyeynta.

Sida laga soo xigtey bayaanka wasaaradda oo nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online, dhinacyadda ayaa si gaar ah uga shiray arrimaha daadajinta adeegga iyo Maamulka Dowladaha Hoose.

Shirka ayaa ku soo dhammaaday in Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland iyo Banka Adduunku ka wada shaqeeyaan sidii lagu xoojin lahaa maamul daadajinta iyo Dimuqraadiyeynta oo Puntland si rasmi ah uga bilowdey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM