Puntland iyo Beesha Caalamka oo kawada hadlay arrimaha Soomaaliya

Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Khamiista maanta ah kulan la qaatay xubnaha Beesha Caalamka ee taageera Soomaaliya.

Kulanka oo ku dhacay hab maqal iyo muqaal ah, masuuliyiintii Beesha Caalamka ka socotay ee ka qeybgalay waxaa ka mid ah Danjiraha Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Ambassador James Swan, Ergayga Midowga Europe ee Soomaaliya Nicolas Berlanga Martinez, Safiirada wadamada UK, Norway, Sweden , Germany iyo Wakiilada iyo Madaxda Ururada daneeya arrimaha Soomaaliya.

Waxaa kulanka looga hadlay xaaladda Covid-19 ee Puntland, Amniga, Doorashadda Soomaaliya, Xiriirka Dowladda Federaalka ah iyo Dowladdaha xubnaha ka ah iyo madax banaanida Warbaahinta.

Dhanka kale, Deni, ayaa hab- maqal iyo muuqaal ah maanta u Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada Dowladda Puntland.

Todobaadkan waxaa diirada lagu saarey Amniga Guud ee Puntland, Arrimaha Siyaasadda Soomaaliya iyo Doorka Puntland, Xaaladda Covid-19 ee Puntland, Fatahaadii Qardho iyo Qorshaha Waxbarashadda Puntland ee inta lagu guda jiro xaaladda uu sababay xanuunka Coronavirus.

Kulanka waxaa Madaxweynaha ku weheliyey Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo dhammaan xubnaha golaha Wasiirada oo ku kala sugnaa xafiisyada iyo xarumahooda kala duwan.

Doorashooyinka Soomaaliya ee 2020 ayaa qorshuhu yahay in ay noqdaan qof iyo cod, balse waxaa la gelinayaa shaki, iyaddoo guddiga doorashooyinka uu dhowaan ka hadlayo arrintaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cabdirashid Yuusuf Jibriil oo la siiyay waddo nabadgelyo ah oo uga baxay Ceelbuh 

Dhanka kale, ciidamada Puntland ayaa ogaadey inay jiraan qorshayaal ay wasiirro iyo xildhibaanno ka socda Muqdisho.

  • Puntland

    07-07-2025

  • 06:36AM

Guddoomiye Hore oo Maleeshiyaad La Tegay Gobolkiisa — Puntland oo Ka Hortimid

Cabdirashiid Jibriil oo todobaadyadii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa…

  • Puntland

    06-07-2025

  • 06:52AM