Puntland iyo Czech oo iska-kaashanaya isku-dheelitirka nolosha deegaanka

Image
Wafdi ka socda Jamhuuriyadda Czech oo cilmi-baareyaal ah ayaa soo gaarey magaalada.

GAROWE, Puntland - Wasiirka Wasaaradda Deegaanka, Daaqa iyo Isbedelka Cimilada Maxamed Cabdiraxmaan  Faroole oo uu weheliyo Agaasimaha guud Shaafici Maxamuud Ismaaciil iyi masuuliyiin wasaaradda ka tirsan  ayaa xafiiska ku qaabilay Wafti  oo ay ka mid yihiin Jiří Šmíd, Sergio Matilla Fernández iyo Tomáš Mazuch oo ka socday Jamhuuriyadda Czech  ku waas oo cilmi-baaris ku sameeya barri-biyood ,xammaaratada iyo noocyo dhirta ka mid ah.

Masuuliyiinta oo Wasiirka ugu hambalyeeyey Xilka Cusub ee loo magacaabay, ayaa dhanka kalena kulanka ku soo bandhigay cilmi-baarisyo ay ka sameeyeen Soomaaliya iyo sida ay rabaan inay hadda qorshe cusub ugu baarayaan Puntland noocyada xammaaratada iyo noocyo noole oo naadir ah Puntland si loo barto loona Ilaaliyo madaama ay faai’do weyn u leeyihiin isku  dheelitirka nolosha deegaanka .

Wasiirka ayaa dhankiisa la wadaagay qorshayaasha mudnaanta u leh Wasaaradda iyo dadaalada socda ee Ilaalinta xayawaanka iyo deegaanka asagoo dhanka kalena uga mahadceliyey soona dhoweyey in la sameeyo cilmi-baaris ku aaddan Xayawaanka sida xammaaratada iyo noocyada kale ee noolaha ah si loo ilaaliyo isku-dheelitirka nolosha deegaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM