Puntland iyo Galmudug oo Cadaado heshiis ku gaarey

Image

CADAADO- Kadib markii maalintii shaley madax ka tirsan maamulada Somalia iyo dowlada Federaalka ka qayb galeen munaasabad lagu caleemo saarayey Madaxweynaha cusub ee maamulka Galmudug ayaa waxaa habeenkii xalay kulamo gaar ah ku yeeshey magalaada Cadaado madaxda maamulada Puntland iyo Galmudug kuwasoo ku gaarey hehsiisyo hordhac ah.

Kulanka xalay oo ay goob joog ahaayeen Madaxweynaha Jubaland iyo wasiirka arimaha gudaha dowlada Federaalka ayaa wararka Garowe Online heleyo waxay sheegayaan iney ahayaen kuwo rajo  fiican ka muuqatey.

Kulan warsaxafadeed kooban oo lagu qabtey magalaada Cadaado ayaa Madaxweynaha maamulka Galmudug ku sheegey in colaadii ka jirtey gobolka Mudug dhamaatey islamarkana hadda wixii ka dambeeya aan la oran doonin Puntland iyo Galmudug baa dagaal ka dhexeeya balse noqon doonto in dhib dambe oo dhaca ku koobnaan doonto qofka sameeya ama beesha falkaas ku talaabsata.

Warsaxafadeedka ayaa lagu sheegey in sida ugu deg deg badan loo furi doono wadada isku xirta labada dhinac ee magalaada Galkacayo.

Wadada isku xirta gobolada dhexe ee Somalia iyo Puntland ayaa xirneynd in muddo ah kadib markii dagaal labada dhinac horey u dhex marey kasoo dhiig badan ku daatey.

Heshiisyo noocaan ah ayaa jirey kuwasoo horey u dhexmarey Madaxweynaha Puntland iyo Madaxweynihii hore ee Galmudug balse aysan waxba ka hirgalin.

Lama saadaalin karo awooda Madaxweynaha cusub ee Galmudug ku leeyahay maleeshiyaadka kala duwan ee hoos yimaada beelaha wada daga Koonfurta gobolka Mudug kuwasoo adag tahay in la xakameeyo markii heshiis la gaaro.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa magalaada Galkacayo waxaa ka haysta dhibaatooyin la mid ah kuwa madaxda Galmudug madaama uu horey ugu guuldraystey inuu furo jidka isku xira Puntland iyo gobolada dhexe ee Somalia talabadaas oo dhaqaale xumo ku keentey maamulka uu madaxda ka yahay.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM