Puntland iyo Hay'adda FAO oo ka shiray xoojinta xiriir wadashaqeynta

Image
Kulanka ayaa waxaa ka qeybgaley xubno ka mid ah Golaha Xukuumadda Puntland.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wakiilka Hay’adda Cuntada iyo Beeraha Adduunka (FAO) ee Soomaaliya Étienne Peterschmitt iyo wafdi uu hoggaaminayo. 

Kulanka oo ay ka qeybgaleen xubno ka mid ah Golaha Xukuumadda ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka wadashaqeyn ee Dowladda Puntland iyo FAO iyo mashaariicda Hay’adda FAO kala shaqeyso Hay’adaha Dowladda sida horumarinta Beeraha, Kalluumeysiga, Xoolaha, Biyaha, illaalinta deegaanka, isbedelka Cimilada iyo qodobo kale. 

GAROW EONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM