Puntland iyo Is-maamulka Oromada oo xoojinaya iskaashiga ganacsiga

Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka qayb galay kulan casho sharaf ah oo uu u sameeyey Madaxweynaha Oromada ee dalka Itoobiya Mr. Shimelis

Kulankan Casho sharafta ah ee uu Madaxweynaha Oromada u sameeyey Deni ayaa ka qabsoomay caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa, waxaana looga wada hadlay xoojinta xiriirka iskaashiga ganacsiga ee labada dhinac.

Kulanka Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Oromada ee dalka Itoobiya Shimelis ayaa kusoo dhammaaday guul.

Dhinaca kale, Deni ayaa ka qayb galay hadimo sharafeed qado sharaf ah oo uu u sameeyey Safiirka Soomaaliya u fadhiya Itoobiya, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenkii Hore ee Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey.

Qodo sharafta ayaa waxaa qayb ka ahaa Madaxweynihii hore ee Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiillada Dowladda Puntland.

Kulanka Qado Sharafta ah oo daaranaa soo dhoweyn iyo is-xog wareysi ayaa looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya iyo si gaar ah Puntland, waxaana uu ku soo idlaaday kulaankaasi guul.

Puntland oo ah maamulka ugu da'da weyn dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxay ku naalooneysaa amni, nabad-gelyo, nidaam dowladeed oo shaqeeya iyo kala dambeyn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM