Puntland iyo Itoobiya oo wada beeraya malaayiin geed ah

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Ku-simaha Madaxweynaha, Ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta daah-furay ololaha beerista 4 Malyan oo Geed  oo lagu beerayo Deegaanada Puntland.

Daah-furka ololaha oo ay iska kaashadeen Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed iyo Dowladda federaalka ee Itoobiya waxa kasoo qayb galay qunsulka Dowladda Itoobiya u fadhiya Puntland, masuuliyiinta Wasaaradda deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Puntland, Xildhibaano,  Wasiiro iyo wakiilo ka socda Hay'addaha Caalamiga ah.

Karaash ayaa soo dhoweeyey Iskaashiga ololaha dhiraynta iyo wadashaqaynta joogtada ah ee ka dhexaysa Puntland iyo Dowladda Itoobiya, waxa uu tilmaamay in dhirtu muhiim u tahay Deegaanka iyo nolosha bini'aadamka.

Ugu dambayn, Madxweyne ku-xigeenka ayaa ku bogaadiyey Wasaarada deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Puntland dadaalka ay wado ee ku aadan ilaalinta deegaanka iyo ka hortagga jarista dhirta, waxaana uu kula dar-daarmay in masuuliyad weyn la iska saaro deegaanka.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM