Puntland iyo Jabuuti oo kawada hadlay horumarinta iskaashigooda

Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Dowladaha Puntland iyo Jabuuti ayaa waxay wadahadleen horumarinta xiriirka iskashiga ah ee ka dhaxeeya, sidda lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Puntland State House.

Bayaankaas ayaa ka dambeeyay markii ay caasimada Garowe ku kulmeen madaxweyne ku xigeenka maamulka, Axmed Cilmi Cismaan iyo safiirka Jabuuti u jooga Soomaaliya, Aadan Xasan.

Kulankaas oo ku qabsoomay Aqalka Madaxtooyadda ayaa ku koobnaa labadooda, sidda ay muujinayaan sawirro laga soo qabtay shirka isla markaana Madaxtooyaddu faafisay.

"Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Danjire Aadan Xasan Aadan," ayaa lagu yiri bayaanka.

War-saxaafadeedka oo lasoo dhigay ciwaanada baraha bulshada madaxtooyadda ayaa la raaciyey: "Kulanka ayaa looga hadlay horumarinta xiriirka iskaashi ee Puntland iyo Jabuuti".

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni oo dhowaan booqasho ku tegay Jabuuti wuxuu hogaamiyaha dalkaas Ismaaciil Cumar Geelle uu kala hadlay sidii iskaashiga labada dhinac loo xoojin lahaa.

Puntland oo hormuud u ah nidaamka dowlad dhisida Soomaaliya ayaa sidoo kale waxay kaga horeysaa dhanka kaabayaasha dhaqaalaha iyaddoo arrimaha Jabuuti kala kaashaneyso ay ku jiro arrintaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM