Puntland iyo Jabuuti oo xoojinaya iskaashiga kaabayaasha dhaqalaaha

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu wehliyo Madaxwyne Ku-xeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan, ayaa kulan la qaatay danjiraha Jabuuti u fadhiya Dalka Soomaaliya Ambassador Aadan Xassan Aadan iyo Wefti uu Hoggaaminayo oo booqasho ku yimi Puntland.

Madaxweyne Deni iyo Ambassador Aadan ayaa ka wada hadlay, xiriirka ka dhexeeya Puntland iyo Jabuuti iyo Sidii la isaga kaashan lahaa xoojinta arimaha Ganacsiga iyo Horumarinta Kaabayaasha Dhaqalaaha.

Weftiga ayaa maalintii shalay Booqday Dekadda Cusub ee laga dhisaayo Magalaadda Garacad waxana ay soo kormeereen sida ay u socoto howsha dhismaha Dekadda, kulanka ayaa sidoo kale waxa goob joog ka ahaa Wakiilka Puntland ee Jabuuti Mudane Siciid Mahdi iyo Masuuliyiin kale.

MUUQAALKA DENI

Madaxtooyadda Puntland

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM