Puntland iyo Jubaland oo fahfaahiyey shirka ka qabsoomaya Muqdisho

Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Dowladaha Puntland iyo Jubaland ayaa si rasmiya xaqiijiyey in ay Muqdisho kaga qeybgalayaan shir wadatashi ah oo xal siyaasadeed looga gaarayo doorashooyinka Soomaaliya ee sanadka 2020-21.

War-murtiyeed wadajir ah oo maamulada kasoo saareen shir labadii maalmood ee lasoo dhaafay uga socday Garowe ayay ku xuseen in kulankaas ka dhashay wadahadalo telefoonka oo dhinacyadu yeesheen.

Kulamada Garowe ka qabsoomay intii u dhaxeysay 25-26 ayna qeyb ka ahaayeen Senatoro, madaxweynihiishii hore ee Puntland, siyaasiyiin iyo Ururada Bulshada Rayidka ayaa lagu lafa-guray xaalada waddanka.

"Madaxweyneyaasha ayaa sidoo kale intii ay socdeen shirarka Garowe waxay xiriir dhanka telefoonka la yeesheen madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka, iyagoo laga wadahadlay sidii xal mideysan loogu heli lahaa arrimaha siyaasadeed ee Dalka; taasoo ka dhalatay shir wadatashi ah oo leysugu yimaado Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho si loo gaaro xal siyaasadeed oo leysgu waafaqsan yahay ee qabsoomida doorashooyinka dalka ee 2020-21," ayaa lagu yiri warka qoraalka ah.

Puntland iyo Jubaland ayaa isku raacay aragti siyaasadeed iyo mabaadii aas-aasi ah oo gundhig u noqon kara hirgelinta doorasho la fulin kara, kuna dhacda waqtigeeda si looga fogaado xasilooni daro iyo khalkhal amni.

Soomaalida ayay ku booriyeen in ay ka qeyb-qaataan sidii ay u dhici lahayd doorasho nabdoon. Beesha Caalamka ayay uga mahadceliyeen dedaalada ay ugu jiraan in Soomaaliya ka dhacdo doorasho lagu heshiiyey.

Shirka Muqdisho oo aan la ogeyn hadii ay ka qeybgalayaan madaxweyneyaasha maamulada kale ayaa lagu waramay in todobaadka dambe uu ka dhici doono Xerada Xalane, ayna goobjoog ka noqoneyso Beesha Caalamka.

Hoos ka akhriso bayaanka wadajirka ah

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM