Puntland iyo Koonfur Galbeed oo wadahadalo uga furmayo Baydhabo

Image
Image
Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed - Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa maanta si weyn loogu soo dhoweeyay magaaladda Baydhabo-Janaay.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed, Ambs Cali Siciid Fiqi, Goleyaasha Dowladda, saraakiil ciidan iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Baydhabo ayaa Deni iyo wafdigiisa kusoo dhoweeyay garoonka diyaaradaha ee Shaati-gaduud.

"Dowladda Puntland ayaa xiriir iskaashi la leh dhammaan dowladdaha xubna ka ah DFS, oo ay Koonfur Galbeed ka mid tahay, sidaasi darteed Socdaalka Madaxweynaha uu la xiriira horumarinta xiriirka iskaashi ee ka dhaxeeya Puntland iyo Koonfur Galbeed," ayuu yiri xafiiska Deni.

Laftagareen oo soo dhaweynta kadib u waramay warbaahinta ayaa sheegay in wada-xaajoodyada ay yeelanayaan ay ku xoojinayaan iskaashiga taariikhiga ah ee ka dhaxeeya labada dowladood.

"Runtii Puntland iyo Koonfur Galbeed waxaa ka dhaxeeya iskaashi taariikhi ah oo siyaasadeed oo walaalnimo iyo Soomaalinimo ah oo muddo dheer soo jiray," ayuu yiri, isagoo fahfaahin aan bixin.

Dhankiisa, Deni oo carabka ku dhuftay in iskaashiga Puntland iyo Koonfur Galbeed uu ahaa mid soo jireen ah ayaa hoosta ka xariiqay in ay kulamadooda ay ku lafa-guri doonan sidii loo adkeyn lahaa.

Intii uu shirka jaraa'id ku guda jiray, Deni ayaa ka dhawaajiyey in qodobada ay iska kaashanayaan ku saleynayaan geedi u socodka dowladnimada Soomaaliya.

"Fursada aan hadda ku imid ma aha tii u dambeysay, mana aha noqoneysa ii ugu horeysay waxay noqon doontaa mid soo noqnoqota oo marar badan aan imaano hadii Ilaahey ka dhigo," ayuu xusay.

Bishii May, 2019 ayay ahayd markii shir saddexaad oo madaxda Puntland, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle ku yeesheen Garowe ay isla meeldhigeen in ay iska kaashadaana arrimo kala duwan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duqeyn Cirka oo Mareykanku Ka Fuliyay Puntland

Wuxuu ballan qaaday in Mareykanku sii wadi doono taageerada uu siiyo ciidamada Soomaaliya si ay u gaaraan xasillooni buuxda.

  • Puntland

    08-07-2025

  • 12:35PM

Cabdirashid Yuusuf Jibriil oo la siiyay waddo nabadgelyo ah oo uga baxay Ceelbuh 

Dhanka kale, ciidamada Puntland ayaa ogaadey inay jiraan qorshayaal ay wasiirro iyo xildhibaanno ka socda Muqdisho.

  • Puntland

    07-07-2025

  • 06:36AM