Puntland iyo Midowga Yurub oo ka shiray adkeynta amniga badda

Image
Image
Image
Kulankan ayaa wuxuu ka dhex-dhacay mid kamid ah maraakiibta howlgalka Midowga Yurub.

GAROWE, Puntland - Puntland iyo Midowga Yurub ayaa kawada hadlay adkeynta ammaanka iyo dedaaladda ka hortagga hubka sharci darada ah iyo tahriibka, sida uu wariyey telefishinka ku hadla afka dowladda.

Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo gadiidka badda Puntland Senetor Mohamed Abdi Majiino iyo Taliyaha Ilaalada badda Puntland ee Midowga Yurub, Alejandro Cuerda, ayaa kawada xaajoodey qadiyadahan.

Majiino waxaa wehliyey Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Qorshaynta Hor-umarinta dhaqaalaha iyo Xiriirka Caalamiga ahna Duqa Degmada Bossaso Abdiqani Ahmed Ismail [Deera-dile].

Kulankan ayaa wuxuu ka dhex-dhacay mid kamid ah maraakiibta howlgalka Midowga Yurub, sida ku xusan warbixinta oo lagu faafiyey bogga Facebook-ga ee telefishinka dowladda Puntland.

"Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo gadiidka badda Puntland Senetor Mohamed Abdi Majiino iyo Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Qorshaynta Hor-umarinta dhaqaalaha iyo Xiriirka Caalamiga ahna Duqa Degmada Bossaso Abdiqani Ahmed Ismail (Deera-dile) ayaa kulan la qaatay Taliyaha Ciidanka Ilaalada badda Puntland ee midowga Yurub, Admiral Alejandro Cuerda," ayaa lagu yiri qoraalka.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Kulanka oo ka dhacay dusha sare mid ka mida maraakiibta howlgalada Midowga yurub Ayaa looga hadlay xoojinya iskaashiga Amniga xeebaha Puntland Xakamaynta Tahriibka joojinta Kallumaysiga sharci darada ah ilaalinta Hubka kasoo dega eeriyada xeebaha Bossaso iyo arimo kale oo muhiim ah".

"Duqa degmada Bossaso ayaa ku booriyey ciidamadda ilaaliyaha xeebaha puntland ee midowga yurub shaqada ay ahaan wuxuna sheegay in la xoojiyo lagana wada shaqeeyo ilaalinta iyo la dagaalanka wax walba oo sharcidaro ah una keeni kara Amni xumo Xeebaha Puntland," ayaa lagu soo gabagabeeyay war-saxaafadeedka.

Puntland ayaa kaalin weyn waxay ku leedahay dedaaladda xaqiijinta ammaanka xeebaha Soomaaliya oo ay ku sugan yihiin maraakiib shisheeye kuwaasoo qaarkood lagu eedeeyay in ay ku lug leeyihiin jariifka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM