Puntland iyo Qaramada Midoobay oo ka shiray colaadda Laascaanood

Image
Golaha Ammaanka ayaa todobaadkii hore ku baaqay in Somaliland ay ciidamadeeda kala baxdo xarunta gobolka Sool.

GAROWE, Puntland - Dowladda Puntland iyo Qaramada Midoobay ayaa kawada hadlay xaalada Laascaanood si gaar ah qaabka loo gaarsiin karo gurmadka bini'aadantinimo, sidda ay sheegtey xukuumadda Deni.

Hadalkan ayaa waxa uu imaanayaa xilli Saciid Cabdullaahi Deni uu Garowe kula kulmay Ergayga cusub ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Danjire Catriona Laing iyo wafdi ay hoggaaminaysay.

Sidda ku xusan qoraal ay soo saartey Madaxtooyadda Puntland, labada mas'uul ayaa sidoo kale waxay isla soo qaadeen doorashooyinka uu khilaafka hareeyay kuwaas oo natiijo tuhun dhalisay ay kasoo baxeen.

"Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Ergayga cusub ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Danjire Catriona Laing iyo wafdi ay hoggaaminaysay," ayaa lagu yiri qoraalka.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Catriona Laing, ayaa ugu hambalyeeyaysay Madaxweynaha iyo Guud ahaan Dowladda Puntland Doorashooyinkii Goleyaasha deegaanka ee ka qabsoomay Puntland, waxayna ku tilmaamtay jihada Saxda ee la rabo Soomaaliya in ay aado Mustaqbalka".

"Sidoo kale waxaa Kulanka looga hadlay xaaladda Laascaanood iyo Sidii loo xoojin laha gargaarka bani’aadanimo ee dadkii barakacay, dhinaca kale Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Qaramada Midoobey go’aankii Golaha Amnigu kasoo saaray xaaladda Laascaanood," ayay xuseen.

Qoraalka ayaa lagu soo xiray: "Waxaa Madaxweynaha Kulanka ku weheliyay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Wasiirada Qorsheynta, Arrimaha Gudaha, Maaliyadda, Caafimaadka, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada iyo La-taliyeyaal Madaxweyne".

Wadahadalka Putland iyo Qaramada Midoobay ayaa waxa uu kusoo hagaagayaa xilli todobaadkii hore uu Golaha Ammaanka ku waaniyay Somaliland in ay ciidamadeeda kala baxdo xarunta guud ahaan gobolka Sool.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gollaha Wakiillada Puntland oo Xubinimo ka qaaday Cabdirashiid Yuusuf Jibriil

Cabdirashid, oo dhowaan dib ugu soo noqday Puntland, ayaa lagu eedeeyey inuu khatar geliyey amniga guud ee Puntland.

  • Puntland

    15-07-2025

  • 12:42PM

Duqeyn Cirka oo Mareykanku Ka Fuliyay Puntland

Wuxuu ballan qaaday in Mareykanku sii wadi doono taageerada uu siiyo ciidamada Soomaaliya si ay u gaaraan xasillooni buuxda.

  • Puntland

    08-07-2025

  • 12:35PM