​Puntland iyo QM oo ka hadlay xiisadda magaalada Galkacyo

Image

GALKACYO, Puntland- Xiisad colaadeed ayaa ila shalay 23 December, 2016 laga dareemayaa magaalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug, taasoo bishan xaaladda amni soo hagaagaysay kadib wadahadallo dhexmaray labada maamul.

Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia, Michael Keating ayaa walaac ka muujiyey xiisadda ka oo cusboonaatay  Gaalkacayo, taas oo sababtay dhimashada ugu yaraan saddex qof halka ay jiraan dhaawacyo kala geddisan.

Khasaarahaas ayaa yimid kadib markii ciidamada labada maamul shalay is-weydaarsadeen rasaas, waxaana dadkaas ay ahaayeen shacab guryahooda ugu tageen xabbadaha labada dhinac is-dhaafsadeen.

Keating,  ayaa ugu baaqay labada maamul inay tixgeliyaan heshiiskii xabbadjoojinta islamarkaana la joojiyo arrimaha keeni kara xasilooni darrada.

Wixii ka dambeeyay is-faham labada maamul ka gaareen xiisadda magaalada Galkacyo, waxaa jiray guddiyo isku dhaf ah oo ka shaqaynayay sidii loo dhammaystiri lahaa arrimaha harsan iyo kala qaadista ciidamada, balse waxaa jiray waxyaabo badan oo aan ilaa hadda xal laga gaarin.

Colaadda soo cusboonaatay, ayaa timid kadib markii maamulka Galmudug uu hakiyay isku socodka ganacsiga iyo gaadiidka taaso ay kaga ficil qaateen markii guddiga nabad galyada gobolka Mudug ay soo rogeen amar lagu hakinayo gadiidka xamuul qaado, kadib markii taliyaha qaybta gobolkaas ku eedeeyeen inuu si sharci darro ah u sii daayay gawaaridan oo horay loogu joojiyo digreeto kasoo baxday dowladda Puntland.

Wasiirka deegaanka Puntland, Cali Cabdullaahi Warsame ayaa warbaahinta baaq u mariyay maamulka Galmudug isagoo ka codsaday inay fasaxaan gawaarida iyo ganacsiga, wuxuuna sheegay in maamulka Puntland aysan hakin wax gawaari ah.

Arrintan, ayaa walaac xoog leh ka muujiyeen dadka degan deegaanada labad maamul, maadama xiriirka ganacsigu muddooyinkii dambe soo hagaagayay.

GAROWEONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM