Puntland iyo Sweden oo ka shiray siyaasada iyo doorashada Soomaaliya

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullahi Deni ayaa Qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay Safiirka dalka Sweden ee Soomaaliya Mr. Staffan Tillander iyo masuuliyiin ka tirsan Safaaraddaasi.

Madaxweyne Deni iyo Danjire Mr. Staffan Tillander ayaa ka wadahadlay Mashaariicda ay dalka Sweden ka fuliso Soomaaliya, gaar ahaan Puntland , arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka.

Safiirka dalka Sweden ee Soomaaliya Mr. Staffan Tillander ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey soo dhoweynta isaga iyo weftigiisa, waxa uu ku bogaadiyey Madaxweynaha dadaalkiisa iyo doorka ay Puntland ka qaadato markasta arrimaha Soomaaliya.

Madaxtooyadda Puntland

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM