Puntland iyo Sweden oo "kawada hadlay" sugida amniga Soomaalida

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Taliyaha ciidanka booliska Puntland, Maxamed Cali Xaashi, ayaa "safar shaqo" ku gaarey waddankaas.

STOCKHOLM, Sweden - Taliyaha ciidanka booliska Puntland, Maxamed Cali Xaashi ayaa booqday saldhiga caasimada ah ee Stockholm iyo xaafada ay Soomaalida ku badan taahy ee Rinkeby.

Xaashi oo booqashada ku weheliyay saraakiisha hogaanada ciidanka booliska DPL iyo saraakiisha qaybta gobolka ayaa safar shaqo ku jooga waddankan ku yaala qaaradda Yurub.

Sida laga soo xigtay qoraal kasoo baxay taliska booliska Puntland oo lagu daabacay ciwaankooda Facebook-ga, taliye Xaashi waxaa soo dhaweeyay taliyaha saldhigaasi.

War-saxaaafdeedka ayaa lagu caddeeyay in wadahadalo ay dhinacyadda yeesheen waxaa diiradda lagu saarey habka mustaqbalka loo sugi karo amniga Soomaalida ku nool caasimada Sweden.

Dhinacyadda ayaa, sidda ku cad bayaanka, waxay is-dhaafsadeen aragtiyo iyo warbixino ku saabsan Soomaalida iyo iskaashi ay mustaqbalka ka yeeshaan dhanka nabad-gelyadda.

"Taliyaha ayaa inta uu joogay saldhiga xaafad Rinkeby wuxuu sidoo kale qaabilay qaar kamida Ururada Bulshada, Waxgaradka iyo Imaamka Masjidka waxayna Taliyaha uga mahadceliyeen shaqooyinka wanaagsan ee baaxada leh ee u hayo bulshada Reer Puntland. Haldoorka ayaa sidoo kale muujiyay sida ay uga go'antahay garab istaaga shaqada ciidanka booliska," ayaa lagu soo xiray qoraalka.

Sweden ayaa kamid ah wadamadda ay sida weyn ugu nool yihiin Soomaalida qurba-joogta ah. Siyaasadda ayay sanadihii ugu dambeeyay ka ciyaarayeen kaalin muhiim ah wallow gaabis jiro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM