​Puntland: Kalfadhiga Barlamanka oo baaqday iyo Xildhibaano ka hadlay [Dhagayso]

Image

GAROWE, Puntland- Waxaa maanta baaqday Kalfadhiga dastuuriga ah 38aad ee Barlamanka Puntland, kaasoo qorshuhu ahaa inuu 25 bishan furmo, balse Xildhibaanada ayaa saaka tagay hoolka oo xiran, waxayna warbaahinta uga warameen arrimaha sababay.

Qaar kamid ah mudanayaasha Barlamanka, ayaa qorshahan ku eedeeyay madaxweynaha dowladda Puntland iyo Guddoonka Barlamanka.

Xildhibaanada oo qaybtood saxaafadda kula hadlay magaalo madaxda Puntland, ayaa sheegay in dastuurku dhigayo in Kalfadhiyada labada ah ee Barlamanka uu furo madaxweynaha talada haya hadii uu ku suganyahay dalka, waxayna tagistiisa magaalada Bosaso ku macneeyeen inay ahayd qorshe uu ku talo galay.

Waxa xuseen in dalka ka jirto xaalad adag oo Abaaro, colaadda iyo doorashooyin isugu jira, sidaas awgeed madaxweynaha looga baahnaa inuu golaha Wakiillada shacabka uga warbixiyo arrimaha socda.

Dhinaca kale qaar kamid ah mudanayaasha ayaa duray Guddoomiyaha Barlamanka Puntland, iyagoo ku eedeeyay inuu u furi waayay xarunta Barlamanka, qaybna ka qaatay inuu baaqdo kulankoodu.

Cududaarka madaxweynaha, ayay ku sheegeen mid aan la aqbali karin islamarkaana loo baajin karin fadhi kamid ah Kalfadhiyada Barlamanka Puntland.

Eedaha Xildhibaanada ma jirto cid katirsan xukuumadda oo ka hadashay.

Baaqashada kulanka Barlamanka Puntland ee magaalada Garowe, ayaa timid xilli madaxweyne Gaas shalay ka dagay magaalada Bosaso xarunta gobolka Bari, maadama fadhiga Xildhibaanadu kusoo aaday xaalad adag oo ay ugu darantahay abaarta waddanka ka jirta ee aan xukuumaddu wax ka qaban iyo dagaalka magaalada Galkacyo ee galay todobaadkii Saddexaad.

GAROWEONLINE

Related Articles

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM