Puntland: Kulan laga yeeshey qaboojinta colaad beeleed

Image
Islaan Ciise Islaan Maxamed ayaa soo agaasimay shirkan oo ka dhacay caasimada Garowe.

GAROWE, Puntland – Kulan daaranaa sidii loo qaboojin lahaa colaadda kasoo cusboonaatey Boocame iyo Birtadheer ayaa maanta ka qabsoomay magaalada caasimada u ah dowladda Puntland ee Garowe.

Kulanka waxaa kasoo qeybgalay duqa magaala madaxda, Axmed Saciid, Qaasim Maxamed Cabdi, guddoomiye ku xigeenka gobolka Nugaal, Islaan Ciise Islaan Maxamed iyo nabadoonada gobolka Nugaal.

Islaan Ciise Islaan Maxamed ayaa soo agaasimay shirka, sida uu sheegay guddoomiye Qaasim, kaasoo tibaaxay in doorkooda uu ahaa isu-yeerida qaybo kamid ah kasoo qeyb-galeyaasha.

Sida ay sheegeen qaar kamid ah nabadoonadii ka hadlay kulanka, waxay isku-raaceen sidii loo kala qaadi lahaa maleyshiyaadka bulshadda dirirtay iyo in laga shaqeeyo sidii loo heli lahaa xaalad nabad waarta.

Sidoo kale, waxay intaas ku dareen in ay si shuruud la’aan ah ku ogolaadeen in si deg-deg ah loo joojiyo xabadda isla markaana la furo wadaxaajoodyo ballaaran oo lagu heshiisiinayo dhinacyadda dagaalamay.

"Dadka qaar waxaa laga yaabaa in ay kusoo dhacdo in marka nabad laga shaqeynaayo uusan jirin dhinac laga adkaadey," ayuu yiri nabadoon ka hadlay kulanka oo adkeeyay in deg-deg loo fuliyo baaqan.

Gabagabadii, Islaan Ciise Islaan Maxamed oo ka qeybgaleyaasha uga mahadceliyey ogolaanshiyaha dalabkiisa ku aadan nabadeynta ayaa wuxuu hoosta ka xariiqay ahmiyadda ay leedahay midnimadda iyo wadajirka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM