Puntland: Lacag loo balanqaadey qofkii dila Cali Dheere

Image

GAALKACYO, Puntland – Gudoomiyaha gobolka Mudug ee Puntand, Cabdiladiif Muuse Sanyare oo u jawaabay afhayeenka maleyshiyada Al-Shabaab, Cali Dheere, ayaa wuxuu abaalmarin lacageed dul-dhigay madaxa horjoogahaan.

Cali Dheere oo ka falceliyey hadal horey uga soo yeeray Mr Sanyare ayaa u goodiyey mas'uulkan, isaga oo qof walba faray dilkiisa isla markaana u balanqaadey abaalmarin uusan nooceeda soo bandhigin.

Hadalka gudoomiyuhu sheegay ee Cali Dheere naqdiyey wuxuu ahaa in uu Sanyare ku dhaliilay culimada Gaalkacyo in aysan si furan uga hadlin dhibaatadda ay xoogaga argagixisada ah ku hayaan dadka wax-galka-ah.

Mr Sanyare oo dhankiisa dulmaray hanjabadaas ayaa xusuusiyey Cali Dheere shacabkii ay ku xasuuqeen magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

"Mujrimkii weynaa ee Cali Dheere ayaa isoo dhaartay. Cali Dheere geed hoostiisa ayuu fadhiyaa Cambaar baa ku dhashay aniguna dadkeygaa la nool-lahay si bilaa cabsiya ah," ayuu ka sheegay xaflad ka dhacdey Gaalkacyo.

Wuxuu ku daray: "Cali Dheere waxaan leeyahay qaraxii Shaamow dadkii ku dhintay, ardaydii ku dhimatay Hargaha iyo Saamaha, 700 ee ku dhimatay Soobe, dadkii 200 ahaa ee ku dhintay Ex-kontarool; wiilasha aad u khudbeyneyso waa kuwaas qaraabadooda".

Mar uu soo hadal-qaadey yabooha uu Cali Dheere madaxiisa dul-dhigay, Sanyare ayaa si adag isaga-caabiyey wuxuuna lacag u balanqaadey qofkii sarkaalkan.

"Aniguna waxaan amrayaa adeerayaal Mujrimkaas Soomaaliya ka qabta, waliba waan u baaqeynaa wiilkii Cali Dheere soo toogta waxaan siineynaa $500,000," ayuu hadalkiisa ku daray gudoomiye Cabdiladiif Sanyarre.

Bishii April 9-keeda sanadkii 2015-kii, golaha wasiiradda Soomaaliya ayaa aduun lacageed dhan $150,000 illaa $100,000 waxay duldhigeen madaxa 11 hogaamiye oo kooxda Al-Shabaab ah kana mid yahay afhayeenka ururka Cali Dheere.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM