​Puntland: Madaxtooyada oo xaqiijisay hishiis laga gaaray colaadda Galkacyo

Image

GAROWE, Puntland- War-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Puntland, ayaa lagu xaqiijiyay in war-murtiyeed laga soo saaray shir madaxda maamullada dalka Somaliya ku 30 October, 2016 ilaa 01 November, 2016, kaasoo looga hadlay arrinta magaalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug.

Qoraalka soo baxay, ayaa la sheegay in labada dhinaca Puntland iyo Galmudug ku hishiiyeen Shan qodob oo kala ahaa;

  1. In xabad joojin si deg deg ah labada dhinaca u dhaqan galiyaan
  2. In la joojiyo wax kasta oo abuuraya colaad oo la isu mariyo hawada
  3. Inay dib ugu soo laabtaan magaalada dhammaan dadkii ka barakacay
  4. In labada dhinac soo magacaabaan guddi isku dhaf ah oo ka shaqeeya sidii xal waara looga gaari lahaa khilaafka soo noq-noqday
  5. In kulan deg deg ah oo lagusoo afjarayo khilaafkan la isugu yimaado magaalada Kismayo 20 November, 2016.

Hishiiskan, ayaa yimid xilli uu fashilmay hishii sannadkii hore dabayaaqadiisa labada ku gaareen magaalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug.

Qoraalkan, ayaa soo baxay kadib markii madaxda maamullada marka laga reebo Axmed Madoobe kasoo amba baxeen magaalada Dubai, waxaana diyaarad khaas ah soo wada raacay Cabdiwali Cali Gaas iyo Cabdikariim Guuleed oo ay weheliyaan madaxda maamullada Hir-Shabeelle iyo Koonfur Galbeed.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM