​Puntland: Madaxweyne Gaas oo fasaxay doorashada Aqalka hoose

Image

GAROWE, Puntland- Wararka warsidaha Garowe Online ka helayo saraakiil ka agdhow Madaxweyne Gaas, ayaa sheegay in Puntland ka laabatay go'aan maalin ka hor lagu hakiyay doorashooyinkii Aqalka hoose ee kasocotay magaalada Garowe, taasoo lagu joojiyay Amar kasoo baxay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay.

Gaas oo hadda ku sugan waddanka China, ayaa go'aankan ka noqday kadib markii ay xiriir wada sameeyeen beesha Caalamka iyo Ra'isal wasaarihii hore ee Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake, iyagoo kawada xaajooday arrimo la xiriira sababta keentay hakinta doorashada.

Waxaa sidoo kale xiriirkaas lagu cadeeyay inaysan Puntland awood u lahayn inay is-hortaag ku samayso soo xulista xubnaha Aqalka hoose ee Baarlamanka Somalia.

Xogta uu helayo GO, ayaa sheegaysa inaysan sababta loo joojiyay doorashada la xiriirin xubnaha ka imaanaya gobollada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle, balse mashaakilku ka yimid lacag lagu bixinayay doorashada qabsoomideeda oo aysan wali helin Puntland.

Warsidaha Garowe Online ayaa fahamsan in xubnaahaas is-afgarad ka sameeyeen waxyaabaha Puntland ka biyo diiday gaar ahaan lacag gaaraysa 2 Milyan oo doollar, oo ku xirnayd qoondada Dumarku ku leeyihiin Aqalka hoose sida Puntland uga soo baxdo.

Goor sii horraysa guddiga doorashooyinka oo la hadlay GO, ayaa sheegay inay socdaan dadaallo dib loogu bilaabayo doorashada iyagoo ka gaabsaday inay waraysi ka bixiyaan siday u arkaan xannibaada Puntland ku samaysay doorashada socotay.

Lama oga tallaabadan inuu la ogyahay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo horay qoraalku uga soo baxay xafiiskiisa.

Madaxweynaha Puntland, ayaa horay sidaan oo  kale deg deg uga laabtay go'aamo uu qaatay, waxaana dadka u odorosa siyaasadda sheegayaan inaysan jirin wadashaqayn ka dhaxaysa laamaha kala duwan ee dowladda.

Horay ayay ahayd markii Gaas uu uga laabtay go'aamo masiiri ah oo ugu dambaysay diidmadii 4.5, taasoo muddo badan ku cel-celiyay inaysan qaadan doonin dalka Somalia lagu celin karin, balse muddo kadib uu si qarsoodi ah u ogolaaday sida lagu muujiyay qoraalo horay loogu daabacay baraha Internetka gaar ahaan GO.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM