​Puntland: Madaxweyne Gaas oo ku wajahan Galkacyo

Image

GAROWE, Puntland- Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa la filayaa inay safar ku tagaan magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Saraakiil katirsan Madaxtooyada Puntland oo la hadlay Warsidaha Garowe Online, ayaa sheegay in subaxii  Madaxweynuhu ka safri doono Caasumadda Garowe uu yimid 12 bishan.

Safarka Gaas ee Galkacyo ayaa xariira Aas Qaran oo halkaas loogu samayn doono Fiqi Bashiir Cabdulle oo kamid ahaa Isimada Puntland oo dhawan ku geeriyooday dalka Sweden.

Madaxweynaha iyo xubno katirsanayaa golayaasha dowladda ayaa la filayaa inay tagaan Duugta Fiqiga oo dhintay 5 July, 2017.

Aaska kadib Madaxweynaha ayaa maalmo kooban joogi doona Galkacyo oo muddooyinkan ay ka dhacayeen dilal qorshaysan oo qaybtood lagu dilay mas'uuliyiin iyo dhalinyaro.

Gaas, ayaa lagu wadaa inuu kulan la qaato qaybaha kala duwan ee Bulshada gobolka Mudug.

Allah  ha u naxariistee Marxuumka oo la aasi doono maalinta Barri ah, ayaa Bishii Janaayo 2013 lagu caleema saarey deegaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug, isagoo Isim u ahaa Beesha reer Xirsi Farax ee Cumar Maxamuud.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM