Puntland: Madaxweyne Gaas oo ku wajahan Imaaraadka

Image

GAROWE, Puntland- Wararka soo gaaraya Warsidaha Garowe Online, ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland qorshaynayo safar uu uga baxayo deegaanada maamulkan isagoo kusoo jeeda dalka dibadisa.

Sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil katirsan Madaxtooyada Puntland, Madaxweyne Gaas ayaa maalinta barri ah la filayaa inuu aado dalka Imaaraadka Carabta oo dhawaan uu kasoo laabtay.

Socdaalkan ayaa la xariira sida uu fahamsanyahay GO, arrinta ballaarinta dekedda Bosaso, taasoo qorshaheedu kasocdo magaalada Dubai.

Dhawaan Madaxweyne Gaas ayaa dalkaas kula kulmay madaxda shirkadda qaadatay qandaraaska lagu ballaarinay dekedda Bosaso, waxaana socdaalkaas ku wehelinayay guddoomiyaha Barlamanka.

22 March, 2017  ayuu Madaxweyne Gaas dib ugu soo laabtay magaalada Garowe oo muddooyinkii dambe uu ka maqnaa, wuxuuna shir jaraa’id oo warbaahinta ugu qabtay xarunta Madaxtooyada ku sheegay in hirgalinta mashruuca dekedda uu marayo meel gabo-gabo ah islamarkaana ay dhammaystiri doonaan mas’uuliyiinta dowladda oo kamid ahaa Axmed Cali Xaashi.

Lama oga sababta keentay in Gaas uu dib ugu laabta dalkaas xilli uu sheegay inay ku filanyihiin arrimaha qandaraaskaas mas’uuliyiinta ku sugan Dubai.

Socdaalkan ayaa kusoo aaday xilli Madaxweynuhu uu wareegtooyin kala duwan maanta xilal ugu magaacabay mas’uuliyiin cusub halka kuwo kale uu shaqo fariisin ku sameeyay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM