Ku-xigeenka Puntland oo booqday bar-kantrool Garowe

Image

GAROWE- Madaxweyne ku-xigeenka Puntland iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta soo gaaray magalada Garowe caasumadda Puntland, kadib safar uu kaga soo kicitimay magalada Bosaso xarunta gobolka Bari oo u tagay arrimo dhawr ah oo ka mid tahay abaaraha ka jira qaybo kamid ah gobollada Puntland.

Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay, ayaa markii uu soo gaaray magalada Garowe, wuxuu u gudbay Koonfurta caasumadda Puntland gaar ahaan bar-kantarool oo loo raray duleedka Waqooyin waxaana ka dhashay muran dhulka ku salaysan.

Booqashada madaxweyne ku-xigeenka, waxay la xiriirtaa dajinta xiisad ka dhalatay dhulal si sharci darro shacabku u qabsadeen.

Muranka deegaanka ayaa sidoo kale lagu laray arrimo siyaasadeed oo la xiriirta deegaanka, taasoo buun-buuniyeen shakhsiyaad wata tano siyaasadeed.

Ilaa hadda ma jirto war rasmi ah oo kasoo baxay dhinaca dowladda gaar ahaan maamulka degmada iyo kan gobolka oo qorshaha lagu raray Kantroolka keenay.

Rarista bartaasi Kantarool, waxaana keenay koritaanka magalada Garowe oo muddooyinkii dambe u muuqatay mid sii ballaaranaysa, waxaana la filayaa in dhawaan la durkiyo Kantroolka Bari, maadaama dhismo kusocda garoonka diyaaradaha caasumadda Puntland, wuxuuna noqonayaa markii labaad oo la raro Kantroolkaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Puntland oo Qaabilay Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya

Sidoo kale, kulanka waxaa si gaar ah looga hadlay hawlgalka ka dhanka ah argagixisada ee ka socda deegaanka Calmiskaad.

  • Puntland

    26-08-2025

  • 12:15PM

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM