Ku-xigeenka Puntland oo booqday bar-kantrool Garowe

Image

GAROWE- Madaxweyne ku-xigeenka Puntland iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta soo gaaray magalada Garowe caasumadda Puntland, kadib safar uu kaga soo kicitimay magalada Bosaso xarunta gobolka Bari oo u tagay arrimo dhawr ah oo ka mid tahay abaaraha ka jira qaybo kamid ah gobollada Puntland.

Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay, ayaa markii uu soo gaaray magalada Garowe, wuxuu u gudbay Koonfurta caasumadda Puntland gaar ahaan bar-kantarool oo loo raray duleedka Waqooyin waxaana ka dhashay muran dhulka ku salaysan.

Booqashada madaxweyne ku-xigeenka, waxay la xiriirtaa dajinta xiisad ka dhalatay dhulal si sharci darro shacabku u qabsadeen.

Muranka deegaanka ayaa sidoo kale lagu laray arrimo siyaasadeed oo la xiriirta deegaanka, taasoo buun-buuniyeen shakhsiyaad wata tano siyaasadeed.

Ilaa hadda ma jirto war rasmi ah oo kasoo baxay dhinaca dowladda gaar ahaan maamulka degmada iyo kan gobolka oo qorshaha lagu raray Kantroolka keenay.

Rarista bartaasi Kantarool, waxaana keenay koritaanka magalada Garowe oo muddooyinkii dambe u muuqatay mid sii ballaaranaysa, waxaana la filayaa in dhawaan la durkiyo Kantroolka Bari, maadaama dhismo kusocda garoonka diyaaradaha caasumadda Puntland, wuxuuna noqonayaa markii labaad oo la raro Kantroolkaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM