​Puntland: Madaxweyne ku-xigeenka oo furay shir maalgashiga looga hadlayo

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Cabdixakiim Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey ayaa maanta 01 November 2016 Garoowe ka ga qayb galay kulan uu soo qaban qaabiyey Bangiga Adduunka (World Bank),  islamarkaana ay ka soo qayb galeen qaar kamida maamul goboleedyada Dalka, Guddoomiyaha  rugta ganacsiga Soomaaliya iyo saraakiil kale.

Waxaa sidoo kale joogay, qaar kamid ah xukuumadda Puntland, Rugta ganacsiga iyo mas'uuliyiin kasocotay hay'ado Ajnabi ah, waxaana diiradda lagu saaray sida ugu fudud ee waddamada shisheeye iyo shirkadaha caalamiga ah ay u maal galin ugu samayn lahaayeen dalkeena Somalia.

Madashan, ayaa sidoo kale  lagu lafa guray sidii loo midayn lahaa guud ahaan bangiyada ka hawl gala dalka si loo helo xiriir sahlaya in shacabka Soomaaliyeed si isku mid ah u wada adeegsan karaan Bangiyadda waddanka ka jira.

Cabdixakiim Xaaji Cabdulaahi Cumar Camay, oo khudbad halkaas ka jeediyay, ayaa hambalyo u diray maamul goboleedka Soomaliyeed ee Hir-Shabeelle oo aan isagu ka soo qayb gelin kulanka lagu gorfaynayey adeegga maaliyadeed ee Soomaaliya.

Camay, ayaa tilmaamay in kulankaani  uu muhiim u yahay is dhexgalka dowladaha xubnaha ka ah Federaalka, isagoo tibaaxay in adeeggan maaliyadeed ee Soomaaliya uu wax weyn ka bedeli doono mustaqbalka dhaqaale iyo isu keenidda ganacsatada dalka.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa xubnaha shirku u socdo ku booriyay inay soo saaraan, qodobo wax tar u noqon kara dalka iyo dadka, isagoo kulankan ku sifeeyay mid muhiim u ah dalka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM