​Puntland: Maxaa kasoo kordhay Suuj Nugal?

Image

Wararka uu helayo warsidaha Garowe Online ayaa sheegaya in ciidamda difaaca Puntland ee ku sugan deegaanka Suuj ee gobolka Nugal, in halkaasi uu ka socdo rasaas goos goos ah oo u dhaxaysa ciidamada dowladda iyo mallayshiyaadkii halkaasi ku sugnaa oo laga saaray godkii hore ee difaaca kaga jiraan.

Sarkaal uu la xiriiray Warsidaha Garowe Online, waxa uu sheegay inay wadaan howlgal lagu sifaynayo kooxda kadib markii ciidanku galeen bohol ay ku jireen muddo markii lagu jabiyay dagaal kharaar oo goobtaasi ka dhacay.

Waxuu intaasi ku daray in mallayshiyaadkaasi dhammaantood isugu aruureen god kale oo hadda lagu hareeraysanyahay, isagoo tilmaamay in howlgalku u muuqdo mid lagu guulaysanayo saacadaha soo socda.

Xogta aan helayno ayaa xusaysa in goobta mallayshiyaadkan lala xiriirinayo Shabaab ku sugnaayeen lagu arkay maydad badan oo dhooban, waloow aan la xaqiijin karin tirada rasmiga ah.

Majirto khasaaro soo gaaray ciidankan kadib markii howlgalku saaka bilowday.

Dhinaca kale ciidamo katirsan Puntland ayaa ku hareeraysan mallayshiyaad ku sugan deegaanka Kulub ee nawaaxiga deegaanka Garacad gobolka Nugal, waxaana warar aan ka helayno halkaasi sheegayan in lagu hareeraysanyahay mallayshiyaad ka firxaday dagaal khamiistii ka dhacay agagaarka degmada Godob-jiraan.

Wixii dagaalladan kasoo kordha Garowe Online kala soco.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo qabatay 250 tuute oo ka yimid Galmudug kadib digniin ay dirtay

Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe isku khilaafsanaa arrimo siyaasadeed iyo amni.

  • Puntland

    28-07-2026

  • 07:56AM

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM