Puntland: Maxaa xulista Aqalka Hoose loogu asteeyay xero ciidan?

Image

GAROWE, Puntland - Guddiga maamulaya kuraasta Golaha Shacabka ee degaan doorashadoodu tahay Puntland ayaa sababeeyay in xulista kuraastii ugu horeysay ee Aqalka Hoose loogu qabtey Xeradda ciidamadda 54aad.

Cabdikariin Muuse Maxamed, guddoomiyaha guddiga SEIT-Puntland oo war-fidiyeenka la hadlay kadib doorashadda shantaas kursi, ayaa talaabadan wuxuu u cuskadey "sababo dhanka ammaanka ah".

"Doorashadda waxaa lagu qabtey hoolkii lagu aas-aasay Puntland 1998. Waa hool caan ah oo ummadda ugu yaala in ay ku qabsato danaheeda," ayuu yiri guddoomiye Maxamed oo ka jawaabaya guux ka yimid dadweynaha.

Wuxuu hadalkiisa intaas kusii daray: "Maadaama dowladda u xilsaarneyd in ay keento goob dowladeed, amni darteeda ayaa keentay in halkan lagu qabto doorashadda, wax kale oo ku jira ma jiraan".

"Jaamacadihii arday baa ku jirta. Hoteeladii private-ka ahaa ma qaadi kari lahayn dadka halkan imaadey. Magaaladana in mashquul laga abuuro looma baahneyn wax aan ka ahayn in loo arkay meel u haboon ma jirto," ayuu xusay.

Hase ahaatee, illaa haatan, ma jiro taliye ciidan oo fagaare ka sheegay sababta amni ee guddiga doorashadda ka dhawaajiyey. Maxamed wuxuu ku adkeysatay in ay u banaan daadidhinta geedi-socodkan.

Dhawaqa guddoomiye Cabdikariin Muuse ayaa kusoo beegmaya xilli saacadihii lasoo dhaafay ay baraha bulshadda hareeyeen hadalo qaarkood ka imaanayey siyaasiyiin kuwaasoo durayay in doorashada lagu qabto xero ciidan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM