Puntland: Maxaabiis Al-Shabaab la baxdey oo dib u soo qabtay

Image

GAROWE, Puntland – Ciidamadda sidda gaarka ah u tababaran ee dowladda Puntland ayaa sheegay in ay dib u soo xireen qaar kamid ah maxaabiistii maleyshiyada Al-Shabaab kula baxdey weerarkii xabsiga weyn ee Boosaaso.

War qoraal ah oo kasoo baxay taliska ciidankan ayaa lagu sheegay in maxaabiistii ay gacanta kusoo dhigeen ka gedaal markii ay howlgal saf-balaaran leh ka sameeyeen qaar kamid ah xaafadaha Boosaaso, xarunta gobolka Bari.

"Ciidanka PSF oo ka fal celinayna weerarkii argagixisanimo ee cadawgu ka fuliyeen xabsiga magaalada Bosaso ayaa waxay ku guulaysteen in ay dib u soo qabqabtaan intii badnayd maxaabiistii falalka argagixisanimo ku eedaysnaa ee fakaday," ayaa lagu yiri bayaanka lagu daabacay barta Facebook-ga.

Qoraalka ayaa la raaciyey: "Waxaa kale oo ay ciidamadu wadaan hawlgallo amniga lagu xaqiijinayo cadowgana lagu bartimaameedsanayo".

"PSF waxay u mahad celinaynaa shacabka reer Puntland sida wanaagsan ee ay u garab taagan yihiin ciidamadooda, cid aad ka shakidid ama wax amniga wax u dhimanaya haddii aad aragtid naga la soo xiriir 388/477," ayaa lagu soo xiray.

Bayaanka ayaan lagu caddeyn hadii uu jiro khasaaro ciidamadda kasoo gaarey howlgalkaas iyo tiradda saxda ah ee maxaabiista ay dib u soo qabqabteen.

Weerarkii xabsiga weyn ee Boosaaso oo dowladda Puntland wacad ku martay in ay talaabo sharci ah ka qaadi doonto ciddii ka dambeysay iyo kuwii fududeeyay ayaa sababay isbedel lagu sameeyo maamulka gobolka iyo baaris socota.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM