Puntland: Maxkamadda gobolka Nugal oo fasaxday Universal TV

Image

GAROWE, Puntland- Maxkamadda Darajada Koowaad ee gobolka Nugal ayaa maanta go’aan ka gaartay kiis muddo soo socday oo u dhaxeeyay TV-ga Universal iyo dowladda Puntland oo ka caroortay muuqaal ku baxay barnaamijka Faaliyaha Qaranka.

Doodda saaka oo ay joogeen bahda warbaahinta iyo qareenada u doodayay labada dhinac ayaa ugu dambayntii laga soo saaray dhowr qodob oo ay ku jirtay  in la fasaxo TV-gan oo dowladda u xirnaa 32 casho.

Maxkamadda ayaa go’aamisay qodobadan;

In dib xoriyaddiisa u helo TV-ga Universan oo horay dowladdu u mamnuucday in laga daawado gudaha Puntland

In TV-ga laga qaado lacag gaaraysa $2000

Iyo in wasaaradda Warfaafintu ay bixiso lacag dhan $25,600 taasoo ah magdhow ku aadan lacagihii ka baaqday TV-ga mudadii uu xirnaa.

Intaas kadib bahda warbaahinta Puntland gaar ahaan ururka MAP, aya soo dhaweeyay go’aanka Maxkamaddu ku dhawaaqday.

Wasaaradda Warfaafinta Puntland ayaa dhowr jeer oo hore amarro kala duwan ku xirtay warbaahinta Somalida qaybtood, waxayna maxkamad isla tageen hadda kahor Idaacad ku taalla magaalada Garowe oo lagu qabsaday inay baahisay war aysan dowladdu jeclahysan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM