Puntland: Maxkamadda oo xuntay rag Qarax lagu qabtay

Image
Image
Image
Image

BOSASO, Puntlad- Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Puntland ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 27-5-2017 ,xukun dil doogasho ah ku riday Shan nin oo dhawaan ciidamada amniga Bosaso ku qabteen Waxyaabah Qarxa oo si qarsood ah loo soo galin rabay xarunta gobolka Bari, kuwaasoo la doonayay in ilaa saddex goobood lagu weeraro.

Eedaysanayaasha la xukumay,  ayaa qirtay dambiga loo haysto iyagoo xusay inay wateen Qaraxaas qorshahooduna ahaa in xarunta gobolka Bari  weeraro ka gaystaan.

Balse nin lagu magacaabo Ibraahim Maxamed Canshuur oo eedaysanayaasha kamid ahaa uu qirtay inuu katirsanyahay Al Qaacida.

Guddoomiyaha Maxkamadda Xukunka Riday Cabdifataax Xaaji Aadan ayaa ku dhawaaqay go'aanka Ciqaabta Raggaas oo u dhacay;

Cabaas Ibraahim Yare Aadan –I Khadiijo Aadan 26-jir ah kuna dhashay Baydhabo –Dil Toogasho

Ibraahim Maxamed Canshuur –Ina Khadiijo Cabdullaahi Cali 20-jir ah,ku dhashay Afgooye waxaa lagu xukumay dil Toogasho ah

Dhaqane Aadan Cabdi Xassan- Ina Sacdiyo Isaaq Ibraahim 20-jir ah ku dhashay Qansax dheere waxaa lagu xukumay dil toogasho ah

Aadan Nuur Aadan Cali –Ina Kuuso Maxamed Nuur 27-jir ah ku dhashay Baydhabo –Dil Toogasho

Nuur Cabdi Aadan Isaaq –Ina Xaawo Wardheer Maxamed 22-jir ah ku dhashay Aw-diinle –Dil Toogasho.

Raggaan ayaa 25/04/2017 lagu qabtay duleedka magaalada Bosaso iyagoo wata baabuur noociisa Somalidu u taqaann Dhikilo, kaasoo siday waxyaabaha Qarxa oo noocooda lagu sheegay kuwo aad u halis badan.

Xukunka raggaan ayaa yimid xilli todobaadkii hore ruux isku soo xiray walxaha qarxa oo katirsanaa Daacish uu 4 qof ku dilay magaalada Bosaso.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM