​Puntland: Maydka 4 qof oo Garowe la keenay

Image

GAROWE, Puntland- Cusbitalka guud ee magaalada Garowe caasumadda Puntland, ayaa galabta la keenay dad isugu jira Mayd iyo dhaawac kadib shil ka dhacay degmada Dangoroyo ee gobolka Nugal.

Dhacdadaas ayaa sababay dhimashada 4 qof iyo dhaawac 6 kale sida ay noo xaqiijiyeen maamulka cusbitaalka.

Shilka waxaa keenay taayar u baxay gaarigaas oo ka yimid magaalada Bosaso xarunta gobolka Bari isagoo kusii jeeday degmada Garowe.

Gabar kamid ah dadka dhaawaca ah ayaa caafimaadkeedu aad u liitaa, waxaana lagula tacaalayaa Cusbitalka Guud ee caasumadda Puntland.

Gaariga dhacay ayaa waxaa lahaa shirkadda Safarrada ee Raaxo Group, waxaana ehelka iyo maamulka shirkadda baabuurka qalibmay ay la tacaalayaan xaaladda dadka halka kuwa geeriyooday lagu aasayo isla magaalada.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay laamaha ammaanka waddooyinka Puntland oo lagu eedeeyo inaysan shaqooyinkii laga rabay aysan buuxin duruufo jira awgood.

Dhacdadan ayaa timid xilli inta badan baabuurta isaga kala gooshta magaalooyinka Somalia ku socdaan xawaare sare islamarkaana mararka qaybtood keento inay shilal kala duwan la kulmaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM