​Puntland: Michael Keating oo Garowe yimid

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE- Wafdi uu hogaaminayo Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia ayaa soo gaaray magalada Garowe Caasumadda Puntland iyagoo kulan madaxtooyada kula qaaday mas'uuliyiinta ugu sarraysa Puntland. 

Soo dhaweyn kadib, Wakiillada ayaa loo gudbiyay xarunta Madaxtooyada halkaas oo ay saxaafadda ku lahadleen Madaxweyne Gaas iyo keating iyagoo xuseen inay safarkan salka ku hayo arrimaha la xiriira doorashada Somalia. 

Madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa sheegay inay ku faraxsanyihiin imaanshaha wafdigan, isagoo tilmaamay inay kulamo la yeelan doonaan bulshada qaybaheeda kala duwan iyo xukuumadda. 

“Waftigani waxay noogu yimaadeen in ay arkaan dareenka dadka reer Puntland hadday ahaan lahaayeen siyaasiyiin, odayaal dhaqameed iyo bulshada rayidka si ay ugala hadlaan arrimaha ku aaddan geeddi-socodka nabadda Somalia iyo Hiigsiga doorashada,” Ayuu yiri Madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas. 

Dhanka kale Ergayga Qaramada Midoobay ee Somalia Michael Keating, ayaa ammaanay doorka Puntland ku leedahay siyaasadda Somalia, wuxuuna xusay inay ka munaaqashoon doonaan dhinacyada bulshada sida; Madax-dhaqameedyada, ganacsatada iyo siyaasiyiinta waxyaabaha khuseeya doorashada  2016 hormarka waddanka Somalia. 

Waftigan oo maalmo joogi doona Garowe, ayaa waxaa  ka mid ahaa Danjirayaasha IGAD, Talyaaniga, Midowga Yurub, Ingiriiska, Maraykanka iyo Itoobiya, iyadoo maalinta beri ah lafilayo inay Puntland soo gaaraan Danjirayaal  kale oo ka kala socda waddamada Somalia daneeya. 

Waxaana kulamadan socon doonaan saddex bari, iyadoo la filayo in Keating inta uu joogo Garowe bulshada, siyaasiyiinta iyo dowladda ku qanciyo habka la qaatay in lagu saleeyo doorashada dalka sannadkan ka dhici doonta. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM