Puntland: Musharixiin kahor yimid Guddiga uu Gaas magacaabey

Image

GAROWE, Puntland - Qaar kamida musharixiinta Puntland, ayaa kasoo horjeystay Guddiga Xalinta Khilaafaadka ee uu shalay magacaabey Madaxweynaha uu waqtiga ka dhamaadey ee Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Musharaxiinta oo maanta Shir jaraa'id ku qabtey Garoowe, ayaa sheegay in xubnaha ku jira guddiga aysan noqon karin kuwo cadaalad iyo dhexdhexaad ah, maadaama badankood waa mas'uuliyiin katirsan dowladda Puntland iyo saaxiibo ku dhow Gaas.

Guddiga Xalinta Khilaafaadka oo ka kooban 8 xubnood ayaa mgacaabistooda waxay dhalisay xiisad siyaasadeed oo u dhaxeysay Madaxweyne Gaas iyo ku xigeenkiisa, Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar "Cumey" oo ka hor-yimid Guddiga.

Camey ayaa isna magacaabey Guddiga kale, isagoo sheegay in Gaas uu ka leexday habraacii loo mari jiray dhismaha guddidan qaabilsan xalinta khilaafka ka dhasha soo xulista Xildhibaanada, islamarkaana aan lagala tashan isaga iyo musharaxiinta.

Musharixiin uu kamid yahay Cabdi Faarax Saciid [Juxa] ayaa ka digay khilaafka iyo is-barbar-yaaca dhismaha Guddiga anisixinta iyo xalinta khilaafaadka Baarlamanka. [Halkan ka akhri warka].

Xubnaha Guddiga uu ku dhawaaqay Gaas:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM