​Puntland oo amartay in la adkeeyo Amniga maalmaha Ciida

Image

GAROWE, Puntland- Howlgallo lagu adkaynayo ammaanka ayaa ka socda magaalooyinka waaweyn ee Puntland, taasoo looga golleeyay in looga hortago falalka amni darro ee kooxaha nabad diidka ay kawadaan dalka Somalia.

Sida lagu cadeeyay war-saxaafadeed kasoo baxay shirkii wasiirrada Puntland maalintii Khamiista ee lasoo dhaafay, waxaa laamaha ammaanka la faray inay aad u adkeeyay nabadgalyada mudada maalmaha ciidul Fidriga oo wax yar ka harsantahay.

Xukuumadda ayaa sidoo kale meesha ka saartay inay jirto xabsi la xariirta amni darro ka jirta deegaanada Puntland iyadoo shacabka loogu baaqay inay ka fogaadaan warar buumbuuninta ah ee lagu dhaleecaynayo xasiloonida Puntland.

Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay inay kor u qaaday xiriirka wada shaqayneed ee ka dhaxeeya laamaha ammaanka, sirdoonka iyo shacabka.

Tallaabadaas ayaa keentay in ciidamadu bilaabay howgallo iyo baaritaan dheeri ah taasoo laga dareemayo magaalooyinka Puntland.

Majirto ilaa hadda faah faahin dheeraad ah oo kasoo baxday howlgalladaas iyadoo sidoo kale ciida kadib la filayo inuu Puntland soo gaaro Madaxweynaha dowladda Federaalka Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Farmaajo ayaa wada safaro uu ku tagayo dhammaan maamullada dalka isagoo horay u booqday, Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Galmudug.

Waa socdaalkiisii ugu horeeyay ee ku imaan doono Puntland tan iyo markii bishii labaad ee Sannadkan loo doortay Madaxweynaha Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM