Heshiis laga gaarey wadahadalkii dowlada Federaalka iyo Puntland

Image

27 Nov, 2015 (GO)- Kulan magaalada Garowe uga bilowdey Ra'isal wasaaraha dowlada Federaalka iyo madaxda Puntland 27 Nov,2015 ayaa wararka warsidaha Garowe Online helayo sheegayaan in laga gaarey is-afgarad.

Xogagaal uga waramey warsidaha Garowe online ayaa sheegey in qodobada hoos ku qoran la isla gartey:

  • Joojinta colaada iyo in ciidamada is-horfadhiya la kala qaado
  • Guddi ka kooban dowlada Federaalka, Puntland iyo Galmudug la magacaabo
  • In dadka ka qaxey magaalada dib loogu soo celiyo islamarkaana gacan laga gaysto sidii tageero loogu fidin lahaa.

Wadahadaladaan ayaa inta ay socdeen waxey galeen khatar iney burburaan kadib markii Puntland ku adkeysatey ineysan waxba ka badaleen mowqifkeeda arrimaha la isku hayo. 

Waftiga Ra'isal wasaare Cumar Cabdirashid ayaa maanta u duulayo magaalada Galkacayo iyagoo halkaas kula kulmi doona odayaasha labada dhinac kuwasoo maalmihii la soo dhaafey waan waan kaga jirey xalinta khilaafkaan. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM