Puntland oo aqoonsiga kala laabatay Dowlada federaalka Soomaaliya

Image
Go'aankan ayaa kasoo baxay shir degdeg ah oo uu guddoomiyey madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni.

GAROWE, Soomaaliya - Dowladda Puntland ayaa aqoonsiga iyo kalsoonida kala noqday hay’adaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Go'aankan ayaa imaanaya saacado uun kaddib markii baarlamaanka federaalka uu ansixiyay wax ka bedelka dastuurka cutubyada ugu horreeya kaasoo khilaaf uu hareeyay.

Warsaxaafadeed uu saxaafadda u akhriyay wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Ceydiid Dirir ayuu ku sheegay in aysan dib u aqoonsan doonin hay’adaha dowladda federaalka ah inta laga soo dhameystirayo dastuur ay ku heshiiyaan dhammaan dhinacyada ay khuseyso oo ay ku jirto Puntland.

Dirir ayaa xusay in Puntland ay u dhaqmeyso sidaa dowlad madax bannaan ilaa laga helayo dowlad federaal ah oo loo dhan yahay iyo dastuur ay Puntland ku jirto oo dhan ay ku heshiiyaan, laguna ansixiyo afti dadweyne.

Go'aankan ayaa kasoo baxay shir degdeg ah oo uu guddoomiyey madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni kana qabsoomay magaalada caasimada ah ee Garowe.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Deni oo Xasan Sheekh ugu baaqey inuu Dhowro Ballanqaadkiisa hore

Baaqan wadahadal wuxuu yimid xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay isbahaysiga Puntland, Jubbaland.

  • Puntland

    27-04-2025

  • 09:05AM

Maxay tahay sababta Puntland uga qeybgalaynin Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran?

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kala kulmaya beesha Caalamka cadaadis ku aadan mideynta dalka iyo xalinta khilaafaadka.

  • Puntland

    26-04-2025

  • 11:54AM