Puntland oo balanqaad u sameysay dadka baahiyaha gaarka ah qaba

Image
Image
Image
Image
Image

BOOSAASO, Puntland - Madaxwaynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada Ku Qaabilay Ayaan Xassan Ducaalle oo ah Gabar 7sano jir ah oo araga naafo ka ah, taas oo Maalmo ka hor Fariin Maanso ah u soo dirtay Madaxwaynaha, si wax looga qabto xaaladda nololeed ee iyada iyo dadka ay isku baahida yihiin.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Puntland Mudane Maxamed Ceydiid, xubno ka mid ah Ganacsatada Puntland, Xaawo Jaamac Cabdi oo iyana ka mid ah dadka araga naafada ka ah, una ololeysa dadka araga la' iyo Qoyska Ayaan Xasan Ducaalle.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa balan qaaday inuu ka caawin doono Ayaan Xasan Ducaalle in ay hesho Dhakhtar dibedda ah.

Sidoo kale Madaxweyne Deni wuxuu sheegay in Dowladdu wax ka qaban doonto Xaaladaha Nololeed iyo Waxbarasho ee dadka qaba baahiyaha gaarka ah ee nool Puntland.

Ugu danbeyn Ayaan Xasan Ducaalle ayaa sheegtay in ay aad ugu faraxsantahay in Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni uu qaabilay, waxayna ka mahadcelisay in Madaxweynuhu uu wax ka qabanayo Xaaladeeda Caafimaad iyo guud ahaan nolosha dadka araga naafada ka ah.

MUUQAALKA KULANKA

Madaxtooyadda Puntland

Related Articles

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM